Tartamada cayaaraha ee Safaricom Chapa Dimba oo ka billaabanaya Waqooyi Bari

0
359

Waxaa berri jaamacadda magaalada Garissa ka billaabanaya tartamada cayaaraha gobolka Waqooyi Bari ee Chapa Dimba ee ay maalgelinaysa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Tartamada kubadda cagta ayaa u dhexeeya kooxda Lyon 04 FC oo matalaysa Garissa, Marina FC oo ka socoto Mandera iyo Wajir All Stars oo matalaysa ismaamulka Wajeer.
Safaricom ayaa sheegtay in kooxdii ku soo baxdo tartanka kama dambeyska ah in la siinaya abaal marin dhan 250,000 oo shilin.
Sidoo kale waxay fursad u heleysa ka qayb galka tartamada heerka qaran halka kooxda laga guulaysta balse soo gasha kaalinta labaad la siinaya 150,000 oo shilin.
Waxaa berri oo Sabti ah wada cayaari doono Wajir All Stars iyo Marina FC ee ismaamulka Mandera iyadoo xulkii soo baxa ay is arki doonaan Lyon 04 FC oo ka socota Garissa.