Meydka marxuum Cabdiraxmaan Maclow oo muddo ka dib maanta la aasayo

0
191

Muddo hal toddobaad ka dib waxaa maanta la aasaya Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo ahaa Macallin Iskuul, kaas oo lagu dhex dilay toddobaad ka hor dugsigii uu Macallinka ka ahaa.
Macallinkan ayaa loo dilay sababo la xariira inuu canaantay gabadh ka mid ahayd ardaydiisa, waxaana dilkiisa gaystay oo ku eedeysan wiil la dhashay gabadha ee uu canaantay Macallinka, kaas oo dilka u adeegsaday Tooreey.
Alle ha u naxariistee meydka Macallinka ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaalla deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaaciyeen Midowga Dugsiyada gobolka Banaadir.
Meydka marxuumka ayaa sababaha muddada ee loo aasi waayay ay ahayd in qoyskiisa ay doonayeen inay cadaalad u helaan dilka wiilkooda, lamana oga wali in qoyskan ay heleen cadaalad iyo in ay iska aasaanayaan meydka.
Ehellada marxuumka iyo bahda Waxbarashada ayaa magaalada Muqdisho ka dhigay bannaanbax ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo Ninkii dilay Marxuumka oo baxsaday.
Dilka loo gaystay Macallinkan ayaa qayb ka ahaa dilal naxdin badan oo muddooyinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here