Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga ayaa faray in la dardargeliyo Sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Mr Rooble ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhacdadii Shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka dambeeyey, Isagoo faray Wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qaybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Caasimadda in lala shaqeeyo hay’adaha ammaanka si Nabada loogu guulaysto.
Ra’iisul wasaaraha ayaa wixii shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha ku tilmaamay wax aan marnaba la aqbali Karin
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay shaqaaqo ka dhacday gagida...