Maxkamadda gobolka Banaadir oo billowday maxkamadeynta nin loo haysto inuu xaaskiisa nolasha ku gubay

0
339

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saaka billowday dhageysiga dacwad ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu nolasha ku gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamad.
Meydka marxuumadda ayaa weli jira faranjiyeer, iyadoo qoyskeeda ay diideen inay aasaan ilaa caddaaladda la marsiiyo ninkii gubay.
Dhageysiga dacwadda waxaa ka qayb galaya ehellada labada dhinac, Dadweyne, qareeno iyo xeer ilaaliyeyaal.
Aabaha Luul Cabdicasiis ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda Soomaaliya in eedaysanaha sharciga loo horkeeno, si ay meesha uga baxdo tuhunka ay ka qabaan ee ah in eedeysanaha xabsiga lagu hayo ka dibna la sii daayo.
Cabdicasiis ayaa uu sheegay in haba yaraatee aysan dhici doonin inuu wadahadal ama diyo ka qaato dilka gabadhiisa.
Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa seyga marxuumadda ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa gubay, kadibna uu baxsaday.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in si degdeg ah dhegaysiga dacwadda eedeysanaha loo bilaabi doono.