Xilli warar kala duwan ka soo baxayaan nin ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdisho ayaa maamulka jamhuuriyadda Somaliland bayaan ka soo saaray arrintan.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in si degdeg ah qiimeyn loogu sameyn doono shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee horay uga shaqeyn jiray arrimaha hawada islamarkaana hadda la shaqeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Warkan kooban ayaa lagu baahiyay barta Facebook-ga ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland.
Dhanka kale, booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa lix qof loo qabtay arrinta ku saabsan meydka Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo laga helay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaa oo uu degganaa.
Warka ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay inuu socdo baaritaan ku saabsan falkan iyo ciddii ku lug lahayd, iyadoo booliisku ay tageen guriga laga helay meydka.
Home Wararka Soomaaliya Somaliland oo ka hadashay Cabdinaasir Muuse oo meydkiisa laga helay guri uu...