Ciidanka booliiska oo gacanta ku soo dhigay haweeney ninkeeda ku gubtay Muqdisho

0
203

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan inay Ninkeeda ku gubtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in haweeneyda oo maalmihii la soo dhaafay ay baadi goob ugu jireen laamaha amniga laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, isla markaana lahor geyn doono cadaalada.
Eedeysanada oo lagu magacaabo Muno Aweys Xuseen ayaa 16-kii bishan Ninkii qabay ku gubtay magaalada Muqdisho, iyadoona falka kadib baxsatay, hayeeshee howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka ay kusoo qabteen.
Muddooyinkan dambe ayaa waxaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya kusoo badanayay falal ay dadka Soomaaliyeed aad uga naxeen, kuwaasi oo isugu jiray dilal iyo gubis, waxaana weli aan la aasin dad la dilay iyo kuwo la isugu daray gubis iyo dil, dadkaasi ayaana ehelladooda ay dalbanayaan cadaalad.