DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo u digtay waddamada Kenya iyo Jabuuti oo ay sheegtay inay faragalin ku hayaan

0
592

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga digay dowladaha Kenya iyo Jabuuti inay faragerlin ku sameeyaan Go’aanada ku saabsan Arrimaha Soomaaliya ee kasoo baxaya Shirka Guddiga Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Wasiir Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay xog ku saabsan in dowladaha Jabuuti iyo Kenya ay wadaan ololo Diblumaasiyadeed oo Guddiga Amniga Midowga Afrika uga dhaadhacinayaan in lagu darro qoddobo ay doonayan warmurtiyeedka laga soo saarayo shirka Midowga Afrika.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka digeeysaa waxkasta oo taabanaya gobanimada & Madax banaanida siyaasadeed ee jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana kasoo horjeednaa in dowlado xubno ka ah guddiga oo Soomaaliya kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay Guddiga amniga ee Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobanimada & Madax banaanida siyaasadeed ee jamhuuriyadda Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiir Dubbe.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in Urrurada ay dowladda kamid tahay ay u sheegayaan in & diblumaasiyiinta shisheeye in Baarlamanka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreeysa ee shirci dejinta dalka, Xeerarka kasoo baxana ay yihiin go’aanka ugu dambeeya, Xukuumaddana ay tahay Hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga.
Ugu dambeyn Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ayna cid ka aqbaleyn ku xadgudubka Arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo kasoo horjeeda Xeerkii & Sharciyadii lagu Aas’aasay Ururka Midowga Afrika, balse ay soo dhaweeynayaan cid kasta oo gacan ka siineysa in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Mar uu arrimahan ka hadlayay ayuu yiri wasiir Dubbe