Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay xadgudub Itoobiya kula kacday wafdiga madxweyne Xasan Sheekh

0
234

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay xadgudub diblumaasiyadeed oo ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa uga qayb galaya shirka Midowga Afrika.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya sameysay Xadgudub si ay uga hor istaagto wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh inay ka qayb galaan shir madaxeedka Midowga Afrika.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qayb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024-ka ka dhacaya magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
War-saxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid ka baxsan hab maamuuska diblumaasiyadeed iyo kan Caalamiga ah.
“Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dowladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrmaha Dibedda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka Itoobiya maadaama Itoobiya ay ku xad gudbeyso wafuuda ka qayb galaysa shirarka Midowga Afrika.
“Anagoo cambaareynayna falka aan loo meel dayin ee Itoobiya, waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan oo ku saabsan falkan foosha xun iyadoo la raacayo hab-maamuuska ururka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii war-saxafadeedka laguma faahfaahin nooca uu yahay xadgudubka lagu sameeyay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika.
War-saxafadeedkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay safarka uu ugu ambabaxay madaxweyne Xasan Sheekh dalka Itoobiya ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya wali ay ku adkeysanayo heshiiskii ay la gashay Somaliland.