Waxaa lagu soo warramayaa in uu xalay fiidkii shil galay baabuur siday senatarka ismaamulka Busia , Okiya Omtata.
Shilka ayaa laga soo tabiyay aagga Ojolla ee waddada xiriirisa ismaamullada Kisumu iyo Busia.
Baabuurka senatarka oo ah mid yar ayaa ku wajahna Busia ka hor inta uunan ku dhicin mid ka mid ah gawaarida xamuulka xilli uu marayay meel uu joogeedu sarreeyo oo dhanka Maseno ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka xamuulka ay ku timid cillad dhanka bareegga ah taasoo keentay inuu dib u soo noqdo oo uu dhanka midig uga dhaco gaariga senatarka.
Taliyaha ciidamada taraafikada ee gobolka Nyanza ,Allan Mwangi ayaa dhacdadan xaqiijiyay wuxuuna ku tilmaamay shil yar.
Taliyaha ayaa sheegay in kastoo uu senatarka badbaaday haddana in baabuurkiisa uu soo gaaray burbur fudud.
Mwangi ayaa xusay in senatar Okiya Omtata uu safarkiisi sii watay.
Waxaa markii dambe labada baabuur la geeyay saldhigga booliiska ee Maseno si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.