DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegaya dalka Itoobiya

0
281

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ka hadlay qorshaha dhammaystirka xorreynta deegaannada ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab iyo saameynta taban ee ka dhalatay fatahaadihii roobkii deyrta ee Elino ee ka da’ay deegaannada Jubbaland.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay safar shaqo oo uu sheegay inuu muhiim u yahay danaha qaran ee Soomaaliya oo uu ku tegayo dalka Itoobiya.

Dhanka kale, madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.