Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay xirashada marada loo yaqaano Af-saabka (Face Mask)

0
205

Maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay xirashada marada Af-saabka ee loo yaqaano (Face Mask), taas oo si aad ah loo isticmaali jiray xilliyadii uu jiray cudurkii Covid19.
Afhayeenka gobolka Baaadir, Saalax Dheere ayaa sheegay, mamnuucista Af-saabka in lagu go’aamiyay shirkii amniga caasimadda oo uu madaxweyne Xasan Sheekh shir guddoominayay, kaas oo looga hadlayay dardargelinta arrimaha amniga.
Waxaa uu sheegay in isticmaalka Af-saabka loo arko inuu yahay aalad uu qofku isaga qarinayo laamaha amniga, isagoo sheegay inay ku dhuuntaan dambiilayaasha amni darrada ka gaysta magaalada Muqdisho.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay isticmaalka Koofiyadaha, noocyadooda kala duwan marka laga reebo kuwa loo yaqaano Barawaaniga ama koofiyadda sunnada.
Waxaa uu sheegay, in koofiyaduhu inay ka qayb ka qaataan arrimaha amni darrada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciddii ku xadgudubta awaamiirta ka soo baxay shirka amniga in laga qaadi doono tallaabo.