Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaacisay in maamul dagmeed laga dhisaya 31 ka mid ah 47-da ismaamul ee wadanka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki oo arrinkan ku shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 14-kii bishan Labaad ayaa xusay in ujeeddada qorshahan laga leeyahay ay tahay isku dubaridka adeegyada dowladda ee shacabka loo fidiyo.
Meelaha maamul dagmeedka laga hirgelinaya waxaa ka mid ah deegaanka Kaloleni ee ismaamulka Kilifi oo laga dhisaya degmada Jibana, dhanka Malindi waxaa maamullo loo sameynaya Gede iyo Chakama, ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta waxaa maamul dagmeed laga hirgelinaya Chara iyo Bartamaha Garsen.
Dhanka ismaamulka Garissa gaar ahaan deegaan baarlamaneedka Fafi waxaa uu maamul dagmeed ka jiraya tuulooyinka sida Kaambicoos, Xagarbuul iyo Saddaxgose.
Ismaamulka Wajeer waa degmada Qorof Xaraar gaar ahaan tuulada Abaqfiin.
Ismaamulka Mandera, waxaa maamul dagmeed laga hirgelinaya Bartamaha Mandera gaar ahaan tuulooyinka Dololo iyo Dawder.
Meelaha laga hirgelinaya maamul dagmeedka waxaa ka mid ah Koonfurta Ceeldaas ama Ceelnuur ee ismaamulka Wajeer.
Waxaa halkaasi ku sugan mas’uuliyiin uu hor kacaya wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka uu daahfuro xafiiska guddoomiyaha halkaasi ku matali doono dowladda dhexe.
Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa shacabka ugu baaqay inay nabad galyada ku dadaalaan.
Waxaa uu bogaadiyay maamul dagmeedka cusub oo uu sheegay inuu dadweynaha u soo dhaweyn doono adeegyada aasaasiga isagoo ballanqaaday inuu garab siin doono.




