Hal qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

0
165

Waxaa la xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay iyadoo 5 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho laga gaystay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada New York ee Maraykanka.
Qofka la dilay ayay da’diisu ahayd 34 sano jir.
Waxay is rasaaseynta billaabatay ka dib markii uu muran dhex maray labo koox.
Booliiska New York ayaa laga soo xigtay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin gabadh 14 sano jir ah iyo wiil 15 sano jir ah.
Ciidamada ammaanka ayaa intaasi ku daray inay raadinayaan qofkii toogashada gaystay in kastoo ay suurtagal tahay in falkaasi ay dad dhowr ah ka qayb qaateen.