Nin ka takhalusay xaaskiisa oo isku dilay saldhig booliis oo ku yaalla Nyeri

0
338

Nin loo soo qabtay inuu labo toddobaad ka hor dilay xaaskiisa ayaa isku dilay saldhigga booliiska ee deegaanka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri.
Ninka is dilay ayay da’diisu ahayd 35 sano jir, wuxuuna xaaskiisa uga takhalusay tuulada Gakima.
Benson Maina Kamau ayaa isku dhex ceejiyay qaybta suuliga ee saldhigga booliiska ee deegaanka Mukurweini oo lagu hayay .
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha ciidamada booliiska ee Nyeri, Kipkorir Rotich oo sheegay in falka dilka ah loo haystay Benson iyo tuhmane kale.
Xaaskiisa uu ka takhalusay ayaa lagu magacaabi jiray Nancy Muthoni Maina.
Waxaa meydkiisa arkay ciidamada booliiska ee saldhigga ilaalinayay ka dib xog ay ka helaan maxaabiista halkaasi ku jira.
Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii Muthoni la dilay ka dibna maydkeeda lagu tuuray agagaarka waddada.
Rotich ayaa xusay in laamaha ammaanka ay billaabeen baaritaano ku aaddan tallaabada uu isku dilay Benson Maina Kamau.