Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray sarkaal booliis ah oo uu fadhigiisu yahay saldhigga booliiska Nguka ee deegaanka Galbeedka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga kaas oo faraxumeeyay gabadh yar oo dhigata fasalka koowaad ee dugsiyada sare.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga uu ka badbaaday dil ka dib markii la arkay isaga oo falkan sameynaya.
Dhacdadan oo ka caraysiisay dadka deegaanka ayay isku dayeen inay dab qabadsiiyaan guriga uu sarkaalka booliiska degganaa, kaas oo ku dhex yaalla saldhigga booliiska Nguka.
Hooyada dhashay gabadha yar ayaa sheegtay in askariga uu gabadheeda faraxumeeyay, islamarkaana uu doonayay inuu baxsado.
Aabaha dhalay gabadha ayaa dhankiisa sheegay in askariga uu gabadha u soo iibiyay cabitaan, ka hor inta uusan gurigiisa gaysan.
Gabadha ayaa markii dambe loola cararay isbitaalka si baaritaan caafimaad loogu sameeyo iyadoo sarkaalka booliiska uu haatan xiran yahay.