DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo mudaaharaad ku hanjabay haddii xilka laga qaado madaxa cadaaladda dalka

0
277

Madaxa xisbiga Wiper sidoo kalena ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa ku andacoonaya inuu jiro iskuday ku aaddan in ay xafiiska banneyso madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Meru ayuu hoosta ka xarriiqay in ay guud ahaan wadanka dibadbaxyo ka sameyn doonaan haddii xil ka qaadis lagu sameeyo Martha Koome.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in garsooraha iyo xaakinnada kale ee la shaqeeya ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen dacwadii mucaaradka ee ka dhanka ahayd guushii madaxweyne William Ruto ee 2022-kii balse in kastoo aynan ku qancin go’aankaasi in haddana ay oggolaadeen sidaasi awgeedna aynan marnaba aqbali doonin in la farageliyo howlaha waaxda garsoorka ee dalka.
Mr. Musyoka oo xusay in dowladda dhexe ay saameyn ku yeelatay baarlamaanka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku boorriyay inay u istaagaan in laga soo horjeesto qorsho kasta oo aynan dani ugu jirin kenyaanka.

Dacwadda lagu doonaya in ay xafiiska banneyso garsoore Martha Koome waxaa gudbiyay Michael Kojo Otieno.
Waxaa uu ku doodaya in aynan raacin xeerarka dastuuriga ah markii la soo magacaabayay guddi qaabilsan racfaanka canshuurta.
Kojo ayaa sheegaya inay jiraan shakhsiyaad codsaday inay guddiga xubno ka noqdaan balse la takooray.