Eedeysane loo haystay inuu wariye dilay oo lagu xukumay 35 sano oo xabsi ah

0
514

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Siaya ayaa xukun xabsi oo 35 sano ah ku riday eedeysane loo haystay inuu sanadkii 2019-kii dilay wariye.
Tani ayaa timid ka dib markii James Ogola Luta lagu cadeeyay inuu ka takhalusay Erick Oloo oo ka mid ahaa shaqaalaha wargeyska The Star.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqday garsoore Roseline Aburili .
Waxay sheegtay in saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah oo la xiriira dilka dhacay.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday in aynan xukun adag dul dhigin sidoo kalena qoyska Eric uu weydiistay cafis maadaama uu carruur yar korsanaya.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa sheegtay in aynan ahayn markii ugu horreysay oo uu fal dambiyeed sameeyo.
Maxkamadda ayaa intaa ku dartay in James Ogola Luta baaritaano lagu hayay muddo hal sano ah balse uu haysto muddo 14 cisho ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday.
Franklin Luta oo ay wada dhasheen ayay maxkamadda siidaysay ka dib markii lagu waayay caddeyn loo cuskan karo in uu dilka Oloo ku lug lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here