Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hadashay war si weyn loogu faafiyay saacadahii la soo dhaafay baraha bulshada oo la xiriiray in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad ku socotay magaalada Hargeysa oo la sheegay inay ahayd nooca gargaarka caafimaadka ah ee Air Ambulance.
Warkan ku faafay baraha bulshada ayaa ahaa mid uu soo qoray ganacsade ka soo jeeda Somaliland oo lagu magacaabo Ismaciil Axmad, kaas oo sheegay in dowladda Soomaaliya hawada ka celisay diyaarad qaadi lahayd walaalkiis oo Hargeysa ku xanuunsan.
“Dowladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalkey oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo, diyaaraddan yar ee ambalaaska ah oo hore u imaan jirtay Hargeysa, ayaa si bareer ah hay’addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu baahday, imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo” ayuu yiri Ganacsade Ismaciil Axmad.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka jawaabeysa eedeynta culus ee ka soo yeertay ganacsadahaasi ayaa meesha ka saartay jiritaanka la xiriira eedeymihiisa, waxaana qoraal ka soo baxay hay’adda ku shaacisay inaysan jirin diyaarad gargaar caafimaad ah oo codsi u soo dirsatay, si ay uga degto garoomada dalka.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah u soo dirtay si ay uga degto garoommada dalka, sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya.
Eedeynta loo jeediyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo bishii la soo dhaafay hay’adda ay hawada dalka ka celisay laba diyaaradood oo aan wadan wax fasax ah, kuwaas oo doonayay inay ka deggaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.