Abwaan Nageeya Cali Khaliif oo muddo saddex bilood ah la weysanaa, ayaa markii ugu horraysay xalay ka soo muuqday warbaahinta Al-Furqaan ee ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Wareysi lala yeeshay oo muddo hal saac ah soconayay, ayuu ku sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isagoo caddeeyay inuu muddo dheer niyadda ku hayay oo uu ku qancay afkaaraha kooxdan.
Abwaan Nageeye Cali Khaliif, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu afkaarkooda aaminsanaa tan iyo sanadkii 2017-kii oo ahayd markii uu ka soo wareegay Somaliland ee uu yimid magaalada Muqdisho.
Wareysiga ayuu ku sheegay, inta uusan ku biirin Al-Shabab, inuu ahaa mid la dhacsan hannaanka ay kooxdu ku shaqeyso.
Waxaa uu si cad u taageeray dagaallada ay Al-Shabaab kula jirto dowladda Soomaaliya iyo xulafooda caalamiga ah.
Abwaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwa u shaqeeya danaha reer Galbeedka.
Waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Al-Shabaab ay qabsan doonto guud ahaan Soomaaliya.
Nageeya ayaa ka mid ah barayaasha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, isagoo madax ka ahaa qaybta culuumta saxaafadda.
Waxaa uu ahaa Abwaan caan ku ahaa gabayada marxaladaha taagan, Isagoo tiriyay gabayo ay ka dhex muuqatay afkaartiisa Al-Shabaabnimo.