Maamulka Puntland oo cadeeyay Mowqifkooda ku aadan Muddo Kordhinta Hay’adaha Federaalka

0
300

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay khilafka doorashada Soomaaliya ee xilligan iyo mowqifkooda ku aadan muddo kororsigii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Qoral kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in kadib go’aankii Golaha Shacabka ay Golayaasha Puntland wadatashiyo la yeesheen, Odayaasha Dhaqanka Ururada Bulshada Rayidka, Ururada Siyaasadda iyo Aqoonyahanada, isla markaana ay soo saareen go’aamo la xiriira doorashada Soomaliya sida uu xalku ula Muuqdo.
Qoraalka oo ka kooban laba Bog waxay Puntland ku sheegtay in ayadoo tixgelineysa Hay’adaha Puntland iyo qeybaha Bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, Xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, ay gaadatay go’aanadaan.
1: Maamulka Puntland ma aqoonsana tilaabaadii ay Golaha Shacabka ku meel mariyeen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2- Puntland waxay caddeyay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda.
3- Puntland waxay ugu baaqday Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo
4- waxay Puntlandb sheegtay in Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka,ay Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020,Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Somaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee ShacabkaPuntland.
5- Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeertay in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda.
6- Puntland waxay ugu baaqday Shacabkeeda inay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonidooda,ayna Puntland tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid kasta oo isku deyda inay xasilooni darro ka abuurto deegaanadeeda.
Ugu danbayntii Puntland waxay sheegtay inay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here