Ugu yaraan 35 ruux oo laga afduubtay xaflad aroos oo ka dhacaysay Nigeria

0
281

Ugu yaraan 35 haween ah ayaa la la’yahay ka dib markii la afduubtay xilli ay dib uga soo laabteen xaflad aroos ah oo lagu qabtay Waqooyiga Galbeed ee dalka Nigeria.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay afhayeenka booliiska wadanka Nigeria Abubakar Aliyu.
Afduub wadareedka laga soo tabiyay gobolka Katsina ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee falal noocani ah oo horay u saameeyay Nigeria.
Shirkadda ka talo bixisa khatarrada ee SBM Intelligence ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in tan iyo markii uu bishii Shanaad ee sanadkii hore uu madaxweyne Bola Axmad Tinubu hoggaanka qabtay in la afduubtay 3,964 qof.