Taliska dhexe ee ciidanka militariga Maraykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka fuliyay dalalka Ciraaq iyo Syria.
Weerarradan ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxda Kataib Hezbollah.
Militariga Maraykanka ayaa sheegay inuu duqeeyay ilaa 85 xarumood oo ay kooxdan leedahay.
Waxay intaasi ku dareen in weerarrada ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo looga falcelinayay in dagaalyahaano gacansaar la leh dowladda Iiraan ay dhawaan weerar ka dhacay dalka Jordan ku dileen 3 ka mid ahaa ciidamada Maraykanka.
Waxaa weerarrada Maraykanka cambaareeyay saraakiil ka tirsan dowladda Ciraaq.
Xukuumadda Tehraan ayaan weli arrinkan ka hadlin.




