Golaha amaanka oo xaalada Soomaaliya ka shiray

0
596

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Xarunta Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyada, kaddib shir ay warbixin kaga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya James Swan.
Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay qolaha Ammaanka, maadaama shirkaan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qoddobadii shirkaas looga hadlay iyo waxyaabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee siyaasada Soomaaliya.
Waxay sheegeen QM in dhabaha kaliya ee u furan Soomaalida uu yahay in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September si wadanka ay Doorasho uga dhacdo.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ireland ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Safiirka India ee Qaramada Midoobay ayaa isna boggiisa Twtitterka ku sheegay inay lagama maarmaan Tahay In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa eek u aadan Xal u helida xaalada Soomaaliya.
Shirkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo is-mariwaaga siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoo dowladda dhexena aysan weli ka tanaasulin sharcigii Jihaynta Doorashooyinka ee golaha shacabku meel mariyay 12-kii bishan April.
Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay inaysan taageri doonin muddo kororsi, doorasho aan la isla oggoleyn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa todobaadkan ka codsaday guddoomiyaha midowga Afrika ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo Flex Tshikedi inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaaliya, isla markaana uu dusha kala socodo wadaxaajoodka xal u helista is-mariwaaga doorashada,maadaama uu doonayo doorasho loo dhan yahay oo Waqtigeeda ku dhacda inuu dalkua ku jiheeyo.