Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xalay fiidkii khadka taleefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha wadanka Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Waxay ka wada hadleen xaaladda sii xumaaneysa ee marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Madaxweynaha dalka ayaa muujiyay walaaca ee Kenya ka qabta xaaladda magaalada Qaza.
Waxaa uu xusay in khasaaraha nafeed ee dullaanka Israa’iil ay kawada Qaza uu gaaray heer aan la aqbali karin.
Ruto ayaa ku baaqay in Isra’iil iyo Falastiin ay xal u helaan xaaladda taagan si loo soo afjaro dagaalka Qaza.
William Ruto ayaa ku taliyay in la helo xal laba dowladood ee Israa’iil iyo Falastiin u oggolaanaya in ay si nabad ah u wada noolaadaan.
Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Qaza.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo khadka taleefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil