DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo meesha ka saaray 50 bilyan oo deyn ah oo lagu lahaa warshadda sokorta ee Nzoia

0
179

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa  shaaciyay in warshadda sokorta soo saarta ee Nzoia Sugar Company ee ismaamulka Bungoma laga cafiyay in ka badan 50 bilyan oo shilin oo deyn ah oo lagu yeeshay.
Waxaa uu sheegay in beeralayda sokorta ay heli doonaan lacago warshaddan uga maqan.
Xilli uu ku sugnaa Bungoma ayuu hoggaamiyaha dalka dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in warshaddaasi lagu wareejin doono shakhsiyaad gaar ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay warshadaha sokorta ee Muhoroni, Chemelil, Soni, iyo Miwani ka cafisay deymo lagu yeeshay oo gaarayay 117 bilyan oo shilin.

Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa dhammaan qandaraasleyda loo xilsaaray dhisidda guriyaha la awoodi karo kula taliyay inay howlahooda dhismaha sidii caadiga ahayd u sii wataan in kastoo ay maxkamadaha dalka arrinkan hor istaageen.