8 eedeysanayaal oo loo xiray inay baabuur dhaceen

0
238

Ciidamada dambi baarista ee waaxda DCI-da ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay xabsiga u taxaabay 8 eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya falalka xatooyada baabuurta.
Saraakiisha ayaa howlgallada ay fuliyeen dib ugu soo helay 5 baabuur oo la rumeysan yahay in horay loo dhacay.
Jimcihii ayay ahayd markii Timothy Ndegwa laga qabtay xaafadda Makongeni ee Thika ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa halkaasi laga soo helay baabuur ay taargadiisu tahay KBR 957C .
Ciidamada oo uu hagayay Ndegwa ayaa qabtay tuhmane labaad oo lagu magacaabo George Kimani Wangechi.
George ayaa laga soo qabtay Juja isagoo sitay baabuur cad oo nooca Toyota Fielder oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Labada eedeysanayaal ayaa intaasi ka dib qirtay inay qayb ka ahaayeen fal kale oo lagu dhacay baabuur cas oo ah nooca Isuzu D-Max, iyagoo kaashanaya tuhmane lagu magacaabo Stephen Kamau Maganjo kaasoo laga iibiyay qof ka soo jeedo Nyeri oo magaciisa lagu sheegay Antony Wanjohi Theuri.
Ninkan ayaa la qabtay isagoo baabuurkaasi kaxeynaya oo ku sugan magaalada Naromoru ee ismaamulka Nyeri waxaana isna la dhigay saldhigga booliiska.
Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku dartay in ka dib markii eedeysanayaashan la wareystay ay sheegeen magacyada labo qof oo kale oo ay wada shaqeeyaan oo iyagana la soo xiray.
Eedeysanayaasha kale ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Boniface Gitemengo Gachanja iyo Josphat Ikua Mwangi oo laga qabtay Githurai iyo Limuru.
Mwangi waxaa lagu helay baabuur ay taargadiisu tahay KBA 163Y oo Toyota Corolla oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Sidoo kale ciidamada dambi baarista ayaa qabtay Alois Tabu Ojiambo oo isna lagu xiray xaafadda Kariobangi ee magaalada Nairobi.
Saraakiisha ayaa saaka howlgalkooda ka sii waday aagga 58 area ee Nakuru waxayna halkaasi ka soo qabteen Michael Gichuhi Macharia oo sitay baabuur nooca Toyota Vitz ah oo laga shakiyay in la soo dhacay.
Hasa ahaate waxaan ciidamadu u suurtagelin inay xiraan eedeysane kale oo lagu magacaabo Charles Kung’u Kamau oo baxsaday balse lagu raadjoogo.