Beesha Hawiye oo shaacisay in aysan MD Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne

0
693

Kulan maanta ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee beesha Hawiye ayay si weyn uga soo horjeesteen Muddo kordhinta ay sameeyeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxdii hore ee dalka , Xildhibaano iyo Waxgaradka.
War Murtiyeed kasoo baxay Shirka waxaa Saxaafadda u akhriyay xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in dhammaan ay isku raaceen in aan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo loo aqoonsan Madaxweyne Soomaaliyeed.
Waxaa ay sidoo kale tilmaamay in ay qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah maamulka Farmaajo haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka lagu haayo Siyaasiyiinta degan Magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.