Ekuru Aukot oo dhalliilay u jeediyay mucaaradka dalka

0
195

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa ku eedeyay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja inuusan ka soo bixin doorkiisa ku aadanaa kormeerida howlaha dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in xisbiga talada wadanka haya ee UDA uu iskaashi badan la sameeyay siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka.
Dr. Ekuru Aukot ayaa ku dooday in siyaasiyiin badan oo mucaaradka ka tirsanaa ka hor doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii ay haatan galangal siyaasadeed oo wanaagsan kala dhexeya maamulka talada haya ee UDA.
Waxaa uu ku andacooday in arrintaasi ay horseeday in mucaaradka uu ka gaabiyo kaalintiisa.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayaa ku dooday in warbixintii laga soo saaray wada hadalladii dhexmaray Azimio iyo Kenya Kwanza aysan natiijo ka soo bixin.
Aukot ayaa sheegay in wada hadalladaasi ay ku guuldareysteen in looga hadlo arrimaha khuseeya danaha Kenyaaanka, isaga oo tilmaamay mid rajo been ah ku abuurtay dadweyanaha.
Waxaa uu xusay in isbeheysiga Azimio uusan lahayn awood uu ku mucaarada dowladda.