Masar oo si adag uga hortimid is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray

0
246

Dowladda wadanka Masar ayaa si adag uga hortimid is-afgaradkii kowdii bishan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku dhexmaray ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmad iyo madaxweyneha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha dalka Masar Cabddul-Fatax al-sisi ayaa sheegay in aynan aqbali doonin xadgudub kasta oo ka dhan ah dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Hadalkan ayuu sheegay madaxweynaha Masar xilli uu booqosho ku joogo dalkiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka ka wada hadlay xaaladaha taagan oo ay ugu weyn tahay xiisadda taagan ee ka dhalatay is-afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.