Madasha badbaado qaran oo dalab u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

0
511

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa fariin u diray golaha ammaanka ee Qaramada midoobay xiili lagu wado inay maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Madashada ayaa warqadda ay direen waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan, iyaga oo codsaday in fariintooda laga hor aqriyo golaha hortooda.
Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.
Madasha ayaa sidoo kale sheegtay go’aanadii ay qaadatay.
“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan”
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in go’aankaas uu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here