Mas’uul maamulka gobolka Banaadir ka tirsan oo qarax lagu dilay

0
450

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya yaa sheegaya in qarax Maanta halkaas ka dhacay lagu dilay Masuul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay wadada Xaafadda daaru-Salaam waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah waxaana lala eegtay Gaari uu watay mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga uu watay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasadda degmada Dayniile oo lagu mgacaabo Cabdi Maxamad Maxamuud, islamarkaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa haleelay Gaariga uu saarnaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo goobta ka qaaday meydka guddoomiye kuxigeenka & dadka kale ee ku waxyeeloobay qaraxa, sidoo kale rasaas ay fureen Ciidamada la qarxiyay ayaa wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo Shacab ah.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegaysa in qaraxaasay sidoo kale dhaawacyo ka soo gaarene dhowr Askari oo ka mid ah ilaalada guddoomiye ku ku xigeenka la qarixiyay.
Qaraxyada nooca soo boodada ah ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaay kusoo bateen magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaas intooda badan ay ku waxyeeloobaan dad isugu jira mas’uuliyiin dowlada ka tirsan iyo Shacab Caasimada ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here