Waaxda garsoorka ee dalka oo looga digay inay wada hadal la gasho golaha fulinta ee dowladda

0
177

Ururka caalamiga ee garsoorayaasha ee ICJ laantiisa Kenya ayaa waaxda cadaaladda ee dalka uga digay in ay wada xaajood la yeelato golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Guddoomiyaha ICJ Kenya Mr. Protas Saende, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tani ay khatar gelin karto madax bannaanida waaxda cadaaladda .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laanta garsoorka ee dalka aynan hoos tagin golaha fulinta balse ay labaduba yihiin kuwo kala madax bannaan.
Saende ayaa xusay in wada hadal kasta oo ay labadan dhinac yeelanayaan la doonayo inuu noqdo mid ku saleysan ilaalinta mabaad’iida dimuqraadiyadeed sida kala saaridda awoodaha , daahfurnaanta, isla xisaabtanka , maamul wanaagga iyo nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.