Baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo 94 eedeysanayaal kale ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo ooga dacwado kala duwan.
Waxay ka soo hormuuqan doonaan maxkamadda Malindi.
Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen meydad laga helay keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa sheegay in Mackenzie iyo eedeysanayaasha kale lagu soo oogi doono dambiyo ay ka mid yihiin dil, weerar, carruur la dhibaateeyay iyo fududeynta fulinta fal argagixiso.
Waxaa uu intaasi ku daray in Paul Mackenzie iyo tuhmanayaasha kale ay jebiyeen qaybta 203-aad ee habka ciqaabta.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda ayaa xusay in warbixinnada loo soo gudbiyay uu ku qancay islamarkaana ay jiraan caddeyn wax ku ool ah oo loo cuskan karo in eedeysanayaasha dacwado lagu soo oogo.
Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay taabacsanayeen kaniisadda uu baadarigan hoggaamiyo oo uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Meydadka laga helay keynta Shakahola ayaa gaaraya 429.