Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu diyaar u yahay qabashada doorasho loo dhan yahay

0
721

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la qabto doorasho loo dhan yahay xilli 12-kii Bishaan ay Golaha Shacabka muddo kordhin u sameeyeen Hay’adaha dowlaDda.
MD Farmaajo oo booqasho ku tegay wadanka DRC Congo ayaa wararka ay Warbaahinta Soomaaliya daabacday sheegayaan inuu ka Codsaday Madaxweynaha dalkaas ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika inuu fududeeyo kor-joogtana ka noqdo wadahadal la isugu keeno dhinacyada Soomaalida walow aysan Madaxtooyada Soomaaliya xaqiijin arintaas.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu diyar u yahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay, sidoo kalena ay soo dhaweeynayaan inuu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyso.
Warka dowladda Soomaaliya ka soo baxay ayaa lagu yiri Dowladda federaalka ayadoo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka tanaasulin xeerkii jiheynta doorashooyinka Soomaaliya, balse ay diyaar u yihiin inay dhacdo doorasho loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin dhamaan dhinacyada Soomaalida ee hadda ku kala aragtidada duwan arimaha doorashooyinka.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadayaa xilli saamileyda siyaasadda ee dalkaasi iyo Beesha Caalamka ay kasoo horjesteen muddo kordhintii loo sameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe.