Madaxweynaha maamulka Puntland oo cafis u fidiyay maxaabiis

0
636

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaala deegaanada Maamulka Puntland.
Warka ka soo baxay madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Markuu Madaxweynuhu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad uuna tixgeliyey Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta uu Cafiskaan fidiyay.
Ayadoo warka lagu yiri Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Sanad kasta marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka kajira waxaay cafis Madaxweyne u fidiyaan Maxaabiista u xiran dambiyada fudud, kuwaas oo la siidaayo.