Sidee wax uga socdaan xaruunta doorashada madaxweynaha maamulka Puntland?

0
219

Waxaa ku sii qulqulaya xaruunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe xildhibaannada iyo martida kale ee lagu casuumay in ay goob jooga ka noqdaan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo maanta la dooranayo.
11 murashax ayaa u taagan jagada madaxweynaha halka tan ku xigeenkana ay u tartamayaan tiro intaas la eg.
Ammaanka goobta ay doorashadu ka dhaceyso ayaa la adkeeyay waxaana aad loo baarayaa dadka gudaha galaya.
Musharrixiinta xilka madaxweynaha waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilkiisu dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni oo markii labaad doonaya inuu hoggaamiyo Puntland.
Doorashada ayaa soo martay marxalado khilaaf oo mararka qaar gaaray gacan ka hadal, iyadoo ugu dambeyn hadda ku dhacayso wakhtigii loo cayimay oo ah sideedda bishan oo caadiyan la qabto doorashada Puntland marka ay dhamaato shano.