Joe Biden oo dahfuuray qorshe xarumo dadka lagu talaalayo

0
823

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden waxa uu daahfuray qorsho lagu furayo kumanaan xarumood oo dadka looga tallaalaya cudurka COVID-19.
Tallaalkan oo khuburrada fulinaya ay ka mid yihiin dhakhaatiir howlgab noqday ayaa waxa si gaar ah uga faa’iidaysanaya macallimiinta, dadka ka shaqeeya bakhaarrada iyo kuwa ay da’doodu tahay 65 sano iyo wixii ka sarreeya.
Xarunta qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee CDC ee maraykanka waxay soo saartay digniin ku aaddan in nooca cusub ee cudur sidaha Corona uu sii jiri karo ilaa iyo bisha saddexaad ee sanadkan.
Dhanka kale Biden waxuu ku dhawaqaay dhaqaalo garaaya 2 tirilyoon doolar oo ay xukumadiisa kula tacaleyso xanuunka covid 19
Waxaa kor u sii socota tirada dadka uu ku dhacayo xanuunka COVID-19 ee dunida, iyadoo gaartay 93 milyan oo qof