Dowladda dalka Japan ayaa maanta xaqiijisay in tirada dhimashada ee ka dhalatay dhulgariirkii halkaasi ku dhuftay ay gaartay 62 qof.
Waxaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ugu yaraan 300 oo qof.
20 ka mid ah dadkan ayuu dhaawacoodu yahay mid daran.
Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ka dhalatay dhulgariirka uu cabbirkiisu ahaa 7.6 in ay sii kororto.
Musiibadan ayaa galinkii dambe ee Isniintii laga soo tabiyay gacanka Noto Peninsula ee xeebta waqooyiga dalkaasi.