Dowladda Soomaaliya oo ka falcelisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku dhex maray Addis Ababa

0
535

Sida lagu daabacay bogagga baraha bulshada ee warbaahinta dowladda Soomaaliya, golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Tani ayaa timid ka dib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay magaalada Addis Ababa ku gaareen heshiis.
Muuqaal la soo dhigay bogga Facebook ee xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu arkaa Madaxweyne Muuse Biixi oo garab fadhiya ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya la galeen heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland”.
“Ra’iisul Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay degaan ciidankoodu” ayuu yiri Muuse Biixi, sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno 20 kiilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan,oo ay qaranka Somaliland dowladdii u horraysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu ku sii daray Muuse Biixi.
Dhanka kale bayaan uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey isfahanka, wallow macluumaad faahfaahsan uusan ku qornayn.
Qaybtan ay badda ka siinayaan Itoobiya ayuu Muuse Biixi sheegay in ay tahay kiro ee aysan ahayn siismo.
Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in Somaliland, beddelkeeda ay saami ku yeelan doonto diyaaradda Ethiopia Airline, oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.
Sanadkii 2018-kii, Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis u sahlaya Addis Ababa inay yeelato boqolkiib 19 ee saamiga dekedda Berbera, sida ku cad heshiiska shirkadda Emerati logistics ee DP World waxay yeelanaysaa boqolkiiba mashruuca.
Hasa ahaate Itoobiya ayaa sanadkii 2022-kii wayday saamigii ay ku lahayd dekedda Berbera.