Kuuriyada Waqooyi oo sanadka 2024 adeegsan doonto 3 dayax-gacmeed

0
357

Dowladda dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in sanadka soo socdo ee 2024-ta ay soo bandhigi doonto saddex dayax-gacmeed.
Dayax-gacmeedkan ayaa ah nooca ay militariga u adeegsadaan howlaha basaasnimada.
Xukuumadda Pyongyang ayaa sidoo kale xoojin doonto hubkeeda nukliyeerka iyo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga.
Waxyaabahan ayaa qayb ka ah casriyeynta barnaamijyada gaashaandhigga ee dalkaasi.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee (KCNA) ayaa qortay in go’aammadan ay ka soo baxeen shir xisbiyeed socday 5 cishe oo uu guddoominayay madaxweynaha wadankaasi ,Kim Jong Un.
Madaxweynaha ayaa xilli uu shirka soo xirayay waxaa uu dhaliil u jeediyay dowladda Maraykanka oo uu ku eedeyay inay qaadayso tallaabooyin ku aaddan dagaal aan laga fuursan karin.