Waxaa dalka Jabuuti maalintii labaad ka socda wada hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Dowladda Jabuuti ayaa marti gelinaysa oo garwadeen ka ah wada-hadalladan.
Shirka oo xalay si horudhac ah u furmay ayaa waxaa keliya uu gaar u ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa lagu wadaa in ay wada hadallada ku biiraan mas’uuliyiin kale oo ka kala socda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, sida Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wada xaajoodyadan ayaa waxaa ay soo mareen heerar kala duwan, iyada oo aan weli wax natiijo ah ka soo bixin, hayeeshee shacabka Soomaaliyeed ay hadda sugayaan qodobbada ka soo baxa.
Bishii 6-aad ee sanadkii 2020-kii waxaa isla dalka Jabuuti ku shiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biix Cabdi, iyadoo markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay dhinacyadu ku heshiiyeen.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa dhowr qodob oo kala ahaa in laga wada shaqeeyo nabadgelyada labada dhinac, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, iyo isku socodka bulsho ee labada dhinac.
Wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa ku warramaysa in ujeedka socdaalka Madaxweynaha uu yahay in la sii ambaqaado dadaalka wada hadallka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo xallinta colaadaha dalka ka aloosan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, dhigiisa ganacsiga Jibriil Cabdirashiid iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wada hadalada DFS iyo Somaliland.