Wasaaradda caafimaadka oo baaq ka soo saartay cudurrada faafa

0
204

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ku baaqday in daneeyayaasha kala duwan ay iska kaashadaan xoojinta dadaallada looga hor tagaya marka ay dhacaanna looga falcelinaya cudurrada faafa.
Waxaa baaqan dirtay xoghayaha joogtada ah ee waaxda caafimaadka dadweynaha ,Mary Muthoni .
Waxay dhanka kale hoosta ka xarriiqday inay aad muhiim u tahay in la helo nidaamyo caafimaad oo awood buuxda u leh ka hor tagga , in la ogaado ugu dambeyna si degdeg ah looga falceliyo cudurrada dillaaca.
Xoghayaha ayaa intaasi ku dartay in cudurkii COVID-19 ee saameeyay dalka iyo si guud caalamka laga bartay cashar ah in mustaqbalka loo diyaar garoobo la tacaalidda xanuunnada ay saameynta ba’an ka dhalato.