Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya TSC oo sheegtay in 36 macalimiin ah ee gudaha dalka ugu dhinteen...

TSC oo sheegtay in 36 macalimiin ah ee gudaha dalka ugu dhinteen COVID 19

Tirakoobyadi ugu dambeeyay ee kasoo baxay guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa hadda muujinaya in 36 macalin ay ilaa iyo hadda dalka ugu dhinteen cudurka safmarka ee COVID-19.
Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dhamaan 17,400 macalimiin ah oo da’adoodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya oo markii hore lagula taliyay inay guryahooda ka shaqeeyaan ay doorteen inay iskuullada ku soo laabtaan oo ay jidh ahaan wax u baraan inkasta oo ay jirto khatarta fayraska.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macalimiinta Dr. Nancy Macharia ayaa sheegtay in ay jiraan macalimiin aad u tiro badan oo dalka oo dhan iska xaadiriyeen dugsiyada dowliga ah boqolkiiba 99 halka iskuulada gaarka loo leeyahay ay yihiin 84.5%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments