Guddoomiye Madaale oo shir guddoomiyay kulanka degmooyinka iyo deegaannada Banaadir

0
328

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira gobolka Banaadir.
Waxaa uu madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xiro bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.
Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in si wadajir ah looga shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in la iskula xisaabtami doonno gaabis weliba oo ku yimaada adeegyada loo hayo bulshada ku nool caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.