Ardaydii u fadhisatay imtixaankii KCPE-da oo maanta ogaan kara dugsiyada sare ay ku biirayaan

0
148

In ka badan hal milyan oo arday ah oo u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga hoose dhexe (KCPE) ayaa hadda ogaan kara dugsiyada sare ama Secondariga ee loo qorsheeyay inay ku biiraan bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu, isagoo maanta guddoominayay meelaynta ardayda ku biiraysa fasalka koowaad ee dugsiga sare ayaa sheegay in si waafaqsan loo sameeyay doorashooyiinka ay ardayda u doorteen skuulada ay danaynayaan iyadoo sido kale la eegayo sharuudooyiin kale.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xili uu maanta ku sugna dugsiga Lenana.
42,927 arday ah ayaa loo qorsheeyay inay iska xaadiriyaan dugsiyada qaranka, 274,746 ayaa u soo baxay dugsiyada sare ee degmooyiinka halka kuwa ismaamulada loo qorsheeyay 288,201 .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in dhamaan ardaydii samaysay imtixaanka KCPE-da ee sanadkan ay ku biiri doonaan dugsiyada sare.
Waxaa uuna waalidiinta ka codsaday in waqti hore ay carruurtooda u diyaariyaan dugsiyada sare ,iyadoo la doonayo in ardayda ku biiraya Fom 1-ka ay skuulada iska xaadiriyaan 15-ka bisha janaayo ee sanadka 2024-ka.
37,574 deeqo waxbarasho ayaa la siiyay ardayda nugul ee dalka oo dhan,halka 14,426 ee deeqda Elimu ah in la bixin doono sanadkan.