Shacabka wadanka Chad ayaa maanta ka qayb qaadanaya codeyn afti ah oo la doonayo in lagu beddelo dastuurka wadankaasi si uu qaanuun cusub u dhaqan galo.
Tallaabadan ayaa la rajeynaya inay soo celiso hannaankii doorasho ee maamulkii rayidka oo uu ballan qaaday militariga dalkaasi maamulo in kastoo taasi dib loo dhigay.
In badan oo ka mid ah mucaaradka Chad iyo ururrada bulshada ayaa ku baaqay in dadweynaha aynan ka qayb qaadan aftida la qabanaya.