Ciidamo ka amar qaata madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay xarunta baarlamaanka ee Puntland ee magaalada Garoowe, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu shir uga socday xildhibaanada baarlamaanka.
Ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska iyo gaadiid dagaal oo dhowr tiro ah ayaa saaka lagu arkayaa xarunta baarlamaanka, iyadoo ay halkaas isaga baxeen ciidamadii horay u joogay xarunta baarlamaanka.
Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inay salka ku hayso sidii guddiga lagu muransan yahay ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, loogu wareejin lahaa xarunta baarlamaanka si ay ugu shaqeeyaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno ka tirsan xildhibaanada ayaa ku adkaysanaya muddo kororsi hal sano ah oo ay meel marsadeen, inkastoo maxkamadda dastuurka laashay.
Sida aan wararka ku helayno, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ka tirsan mucaaradka ayaa la filayaa inay ku eedeeyaan madaxweyne Deni inuu afduub kula wareegay xaruntii baarlamaanka, xilli ay xildhibaanada ku howlanaayeen inay dhameystiraan shaqooyin u harsan sida ansixinta miisaaniyadda.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo doorashadu ay ka harsan tahay muddo kooban oo maalmo ah ayaa laga cabsi qabaa inuu ku yimaado dib u dhac, sababa la xiriira khilaafka doorashada.
Home Wararka Soomaaliya Garoowe: Ciidamo ka amar qaata madaxtooyada Puntland oo la wareegay xarunta baarlamaanka