In ka badan 10 qof oo lagu dilay magaalada Khan Younis ee Falastiin

0
310

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Khan Younis.
Weerarrada ayaa lagu bartilmaameedsaday dugsi ay maamusho qaramada midoobay oo halkaasi ku yaalla iyo qaar ka mid ah guriyaha Koonfurta Qaza.
Shirkadaha isgaarsiinta ee Falastiin ayaa dhanka kale sheegaya inay go’een adeegyada Qaza weerarrada Israa’iil awgeed.
Xafiiska warbaahinta ee maamulka Gaza ayaa hoosta ka xarriiqay in isgaarsiin la’aanta ay caqabad ku tahay dadaallada samatabixinta.
Dhanka kale Israa’iil ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay duullaan qaatay 60 saacadood oo ay ka fulinaysay magaalada Jenin ee Daanta Galbeed.
Waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.