Qaar ka mid ah musharraxiinta madaxtinimada maamulka Puntland ayaa ka hor yimid guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka doorashada ee uu shalay magacaabay madaxweyne Deni.
Musharraxiintan oo ay ku jiraan garabka hubaysan ee musharraxiinta, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu soo magacaabay shakhsiyaad qaraabo la ah isaga, iyo xubno ka tirsan ururkiisa Kaah.
Waxaa ay sheegeen in aan lagu kalsoonaan karin guddigan, iyagoo sheegay in madaxweyne Deni uu soo magacaabay inay u boobaan kuraasta baarlamaanka.
Musharrixiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyeen in madaxweyne Deni uu ku howlan yahay inuu khilaaf ka dhex abuuro beelaha dhexdooda, si uu xildhibaanka uu rabo ugala soo dhex baxo.
Marka laga soo tago musharraxiintan waxaa jira musharraxiin kale oo aan hubaysnayn, kuwaas oo soo dhaweeyay guddiga uu magacaabay Deni.