Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa Afar Ruux halka lix kale ay dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Sallaxley iyo Banka Qool-Cadey ee deegaannada Somaliland.
Shilkan ayaa waxaa uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo kala ahaa Dhayne iyo Land cruiser sida ay Warbaahinta deegaannada Somaliland ka howlgasha u xaqiijiyeen Agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada dowladda hoose ee degmada Sallaxley Khadar Gaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaallada Waddooyinka ee taraafikada loo yaqaano ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga goobta ka qaaday dhimashada Afarta Ruux iyo dhaawaca lixda kale.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Somaliland ku batay Shilalka Gaari, waxaana la filayaa in Ciidamada ilaallada waddooyinka ee taraafiada ay soo bandhigaan Sanadka cusub tirada Shilalka Gaari ee dhacay iyo dadka ku geeriyooday.